|
Akhristayaasha qiimaha
leh ee hilinkatoosan.com waxaan haddii Eebbe
Idmo bilaabaynaa taariikhdii dhaqdhaqaaqyada
dib u soo toosinta muslimiinta geeska Afrika
oo maqal iyo muuqaalba inta aan ka gaadhno
waxaanan ku bilaabi doonaa taariikhda
Ururkii dhallinyarada Muslimiinta (Waxdadii),oo
ka mid ahaa ururadii dhallinyaro ee ka
hanaqaaday geeska Afrika kuwii ugu horreeyey
ee raadka wayn kaga tagay gobolka,ahna
runtii urur la odhan karo wuxuu
dhallinyaradii waagaa u weeleeyay dhaqanka
iyo asluubta suuban ee Islaamka,wuxuuna
raadeeyay guud ahaan hab
nololeedkoodii,taasoo keentay inay ka wada
mudhaan dhiggood.Waxaana inoo qaadaa dhigi
doono Sheekheennii Sheekh Ismaaciil Cabdi
Hurre (Sh. Ismaaciil Dheeg), wuxuuna sheekhu
ka sheekayn doonaa tobankii sano ee ugu
horraysay ee daawasho wacan.
Daawo
|