|
بسم الله الرحمن
الرحيم
Walaalayaal Ilaahay korreeye wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya
Nabigiisa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:-"Kumana
hadlo hawadiisa, Isaguna(Quraanku)
maahan illaa waxyi loo waxyooday mooyaane, Waxaana wax baray
(oo xagga Eebbe ka soo gaadhsiiyay) ku
xoog wayn (oo Malaku Jibriil ah),Caafimaad
iyo xoogna leh, Abuuriddiisuna egtahay, Wuxuu joogay jihadii sare(Jibriil),Kaddibna
u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga),
Intuu uga jirsado Qaanso (xadhigeed)
ama ka dhaw,Wuxuuna (Eebbe) u
waxyooday Addoonkiisa (Nabiga)
wuxuu u waxyooday" Suuradda An-Najmi Aayadaha 3--10aad
Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye ayay Asxaabtiisii waxyiga ka qori jirey waydiiyeen oy
yidhaahdeen Rasuulkii Ilaahayow banii'aadam baa tahay markaa marka aad
xanaaqsan tahay miyaanu kaa qoraa, markaasuu isagoo afkiisa sharafta leh
tilmaamaya yidhi:-"Haaye qor Ilaaha naftaydu
gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye kama soo baxo waxaan xaq ahayn
"
Haddaba annagoo raacayna hadalkii Nabigeennu naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-"
Iga gaadhsiiya xaggayga (dadka)
walow Aayadba ha ahaatee" ayaanu haddii Eebbaha awoodda lihi
innoo fududeeyo aynu Soomaaliyayn doonnaa kutubta koobaya Xadiisyadii
Nabigeenna naxariiis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, markaa
walaalkayow adiguna nagal qayb qaado.Haddii Eebbaha awoodda lihi doonana
waxaynu dhawrkii wiigba qaadan doonnaa Xadiisyo dhawra oo kitaab kasta
ah.
|