| Sh. Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare) Taariikhda Sheekha oo kooban
Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare) wuxuu ku
dhashay meel u dhaw magaalada Dhagaxbuur ee dhulka Soomaaligalbeed
hilaadaha sanadkii 1935kii, halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashadiisii,isagoo
isaga gooshay dhammaan gayiga Soomaalidu degto oo uu ka raacanayay
culuumta islaamka,dhammaadkii kontomeeyadii ayuu Sheekhu wax barasho u
tagay waddanka Sucuudiga,magaalada Makka Al-mukarrama ayuu ka bilaabay
waxbarashadiisii,isagoo markii uu sanad joogay ayuu u wareegay machad ku
yaalay magaalada Riyaad isagoo machadkaa 5 sano dhiganayay waxaanu ka
qalin jabiyay sanadkii 1960kii, 1961kii ayuu jaamacad Madiina Al-munawara
bilaabay waxaanu ahaa ardaygii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee bilaaba
Jaamacaddaa , sanadkii 1965kii ayuu dhammeeyay markaasoo uu waddankii
Soomaaliya dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho,halkaasoo uu ka
bilaabay shaqo, waxaanu noqday la taliye guud oo ah wasaaradda
Cadaaladda, halkaasoo uu markii dambe ka noqday agaasime guud , sanadkii
1967kii ayay isaga iyo dhallinyaro kale aasaaseen urur la odhan Ururka
soo Baraaruga Islaamiga ah oo uu guddoomiye ka noqday Sh. Cabdiqani ,sheekhuna
uu ka ahaa guddoomiye ku xigeen.Markii dawladdii milateriga ahayd ay
xukunka la wareegtay ayaa laga qaaday jagadii uu hayay, hase yeeshee
toddobaatanka horraantiisii ayuu ka bilaabay shaqo maxkamadda racfaanka,
hase yeeshee kama uu badbaadin cagjuglayn iyo hanjabaad, waxaanu markii
dambe ka cararay xadhig lala damacsanaa kaddib markii la xidhay Sh.
Maxamed Maxamed Macallin Ilaahay ha u naxariistee iyo Sh. cabdiqani,
waxaanu u dhoofay xagga wadddanka Sucuudiga halkaasoo uu shaqo ka
bilaabay Daaraf Iftaha waddanka isagoo noday Khabiir arrimaha dacwada ee
Afrika.Sheekhu waxa uu qayb libaax ka qaatay sidii dadka Soomaalidu
faham saxiix ah uga yeelan lahaayeen diinta Islaamka, waxaanu cimrigiisa
badankiisa ku bixiyay arrintaas. Sheekhu caruur iyo xaas ayuu leeyahay
haatanna waxa uu ku nool yahay waddanka Kanada. |