Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare) wuxuu ku dhashay meel u dhaw magaalada Dhagaxbuur ee dhulka Soomaaligalbeed hilaadaha sanadkii 1935kii, halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashadiisii,isagoo isaga gooshay dhammaan gayiga Soomaalidu degto oo uu ka raacanayay culuumta islaamka,dhammaadkii kontomeeyadii ayuu Sheekhu wax barasho u tagay waddanka Sucuudiga,magaalada Makka Al-mukarrama ayuu ka bilaabay waxbarashadiisii,isagoo markii uu sanad joogay ayuu u wareegay machad ku yaalay magaalada Riyaad isagoo machadkaa 5 sano dhiganayay waxaanu ka qalin jabiyay sanadkii 1960kii, 1961kii ayuu jaamacad Madiina Al-munawara bilaabay waxaanu ahaa ardaygii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee bilaaba Jaamacaddaa sanadkii 1965kii ayuu dhammeeyay markaasoo uu waddankii Soomaaliya dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho,halkaasoo uu ka bilaabay shaqo, waxaanu noqday la taliye guud oo ah wasaaradda Cadaaladda,,

Xaquuqda Labada Is qabaa Isku leeyihiin

Xuquuqda Labada Isqabaa Isku Leeyihiin

 halkaasoo uu markii dambe ka noqday agaasime guud , sanadkii 1967kii ayay isaga iyo dhallinyaro kale aasaaseen urur la odhan Ururka soo Baraaruga Islaamiga ah oo uu guddoomiye ka noqday Sh. Cabdiqani ,sheekhuna uu ka ahaa guddoomiye ku xigeen.Markii dawladdii milateriga ahayd ay xukunka la wareegtay ayaa laga qaaday jagadii uu hayay, hase yeeshee toddobaatanka horraantiisii ayuu ka bilaabay shaqo maxkamadda racfaanka, hase yeeshee kama uu badbaadin cagjuglayn iyo hanjabaad, waxaanu markii dambe ka cararay xadhig lala damacsanaa kaddib markii la xidhay Sh. Maxamed Maxamed Macallin Ilaahay ha u naxariistee iyo Sh. cabdiqani, waxaanu u dhoofay xagga wadddanka Sucuudiga halkaasoo uu shaqo ka bilaabay Daaraf Iftaha waddanka isagoo noday Khabiir arrimaha dacwada ee Afrika.Sheekhu waxa uu qayb libaax ka qaatay sidii dadka Soomaalidu faham saxiix ah uga yeelan lahaayeen diinta Islaamka, waxaanu cimrigiisa badankiisa ku bixiyay arrintaas. Sheekhu caruur iyo xaas ayuu leeyahay haatanna waxa uu ku nool yahay waddanka Kanada.