|
Ilaahay
ha u naxariisteee wuxuu ku dhashay 17kii Sebtember sanadkii 1917kii tuulo la
yidhaahdo Shibra-Annamla oo ah xarunta Dandaa ee gobolka Galbeed ee Masar ,siddeed
jirkiisii ayuu xafidka Quraanka Kariimka ah dhammeeyay, markaasuu intaa kaddibna
galay Azharka oo uu u jeestay barshada culuumta Quraanka Kariimka ah maadaama uu
lahaa cod fiican, waxaanu ku bartay tobanka akhrimood, halkaasoo uu ka qaaaday
shahaado ah cilmiga akhrimaha,1944kii ayuu imtixaan u galay idaacadda halkaasoo
uu kaalinta koowaad ka galay,kuna biiray akhriyayaashii idaacadda.
Sanadkii 1950 ayaa loo magacaabay inuu Masaajidka Al-Axmadi oo Danda ku yaala ka
noqdo akhriye Quraan,sanadkii 1955kiina waxaa loo magacaabay akhriyaha Quraanka
ee Masaajidka Al-Xusayni oo Qaahira ku yaala,sanadkii 1957kii ayaa loo
magacaabay baadhe guddiga akhriyayaasha Masar, sanad kaddibna wuxuu noqday
wakiilkeeda,sanadkii 1958kii ayuu shahaado takhasus ah oo ah culuunta tobanka
hab akhrimeed ee waawayn ee Quraanka Kariimka ah iy dariiqyadooda iyo hababkooda
ka qaatay Azharka Shariifka ah, sanadkii 1959kiina waxa ay guddiga culimada
Azhar u magacaabeen inuu noqdo saxe iyo dib u eege Kutubta Quraanka Kariimka ah.
Sanadkii 1960kii ayuu socdaal ku tagay Pakistan iyo India, taasoo uu noqday
qofkii ugu horreeyay ee loo diro muslimiinta wadamadaasi ku dhaqan, isagoo isla
markaana shirkii Islaamka ee ugu horreeyay ee Hindiya ha dhacayna noqday
sheekhii ugu horreeyay ee Quraan ka akhriya shirkaas. 1961kii ayaa wareegto
madaxwayne loogu magacaabay inuu noqdo sheekha guud ee akhriyayaasha Masar, isla
sanadkaasna waxa uu noqday sheekhii ugu horreeyay ee duuba Quraanka Muratalka ah
ee warintii Xafsa uu Caasim ka soo wariyay, isagoo ay idaacadda muddo toban
sanadood ah uu keligii ka bixi jiray codkiisu.1962kii ayaa noqday guddoomiye ku
xigeenka guddiga sixitaanka Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee Azharka sharafta
leh, isagoo markii dambana guddoomiye u noqday guddigaasi, 1963kiina isagoo
booqasho ku jooga Kuwayt ayuu helay Kutub ay Yuhuuddu badbadashay, halkaasoo uu
uga digay dadka muslimiinta ah dhagaraha Yuhuuddu u maleegayso kitaabka Quraanka
ah.Sanadkii 1964kiina wuxuu noqday sheekhii ugu horreeyay ee duuba Quraanka
Muratalka ah ee warintii Warash uu Naafic ka wariyay.
Booqasho uu Faransiiska ku tagay sanadkii 1965kii ayay hortiisa ku muslimeen
toban qof oo Faransiis ahi kaddib markii ay dhagaysteen Quraan akhrintiisa.
1966kii ayaa ururka akhriyayaasha Quraanka ee dunida Muslinku ugu magacaabay
inuu guddoomiye u noqdo shirkii "Iqra" la baxay oo Karachi oo Pakistan ah ka
dhacay.Sanadkii 1968kii wuxuu noqday sheekhii ugu horreeyay dhammaan dunida oo
dhan ee duuba Quraanka Muratalka ah ee warintii Qaaluun iyo warintii Adduuri iyo
warintii Al-Basri, sanad kaddibna wuxuu noqday sheekhii ugu horreeyay ee duuba
Musxafka baraha ah oo ah hab wax bariseed.Socdaalo dara badan ayuu sheekhu ku
sameeyay daafaha adduunka isagoo meel kasta oo uu tagana hortiisa ku muslimayay
tobanaan qof oo diinta Islaamka soo galayay, waxaanu Quraanka Kariimka ah ka
akhriyay goobo badan oo siyaasadaha caalamka lagu gorfeeyo sida xarunta Qaramada
Midoobay oo sanadkii 1977kii ka akhriyay Quraanka codsi ka yimid wufuuddii
muslimiinta ahaa darteed, waxaa kale oo ka akhriyay Quraanka Kariimka ah guriga
boqortooyada Ingiriiska.
Baryihii noloshiisa ugu dambaysay waxa aad iskugu taxalujiyay inuu dhiso
machadyo iyo Masaajido lagu barto xifdinta iyo culuumta Quraanka, waxaanu u
dardaarmay saddex daloolow dalool xoolihiisa in wax looga qabto hawlaha
samafaleed ee ka socday laba Masaajid oo uu Qaahira iyo Dandaa ka dhisay, iyo
saddex machad oo kala ahaa mid hoose,dhexe iyo sare oo Azharku leeyahay, iyo
labo xafiis iyo Quraan xifdinta qaabilsan oo ku yaalay labada Masaajid ee
Qaahira iyo Dandaa uu ka dhisay, iyo caawinta iyo gacan qabashada ardayda
Quraanka xafidaysa iyo macalimiintoodaba iyo wixii kale ee wajiyo khayr oo
samafal ahba. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyee waxa uu geeriyooday
maalin Isniin ah 24kii November sanadkii 1980kii, kaddib markii uu ka baxay
Salaaddii Cishaa'i. Ilaahayow qabriga u nuuroo u waasici.Aamiin....Aamiin......Aamiin.
hilinkatoosan.com
|