|
بسم الله الرحمن
الرحيم
Eebbe nasah-naa oo korreeye wuxuu yidhi:-"Yaa
ka wanaagsan hadal, ruux ugu yeedhay (dadka)
xagga Ilaahay, sameeyayna wanaag, yidhina waxaan ka mid ahay
Muslimiinta " Suuradda Fussilat aayadda 33aad
Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:- "Iga
gaadhsiiya xaggayga (dadka) Aayadna ha
ahaatee"
Haddaanu nahay Hilinkatoosan.com annagoo
tixraacayna Hadaladii Eebbe nasahnaa oo korreeye uu ku ammaanayay
addoomadiisa u tafaxayta gaadhsiinta dadka hilinkiisa toosan ee uu
addoomadiisa uga raalli ahaaday, isla markaana fulinayna
dardaaranadii Rasuulkeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbbe
korkiisa ahaataye uu innagu farayay inaynu cilmiga intii Eebbe
nasahnaa oo korreeye uu ina baro aynu gaadhsiino dadka kale, iyadoo
waliba uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye uu Xadiis innoogu caddeeyay in marka uu Aakhiro addoonku
Ilaahay nasahnaa oo korreeye hortiisa is taago waxyaalaha la waydiin
doono ay ka mid noqon doonto aqoontii Eebbe baray iyo waxa uu ku
qabtay sida uu caddaynayo Xadiiskii uu Rasuulkeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-"
Addoonku Ilaahay (nasahnaa oo korreeye)
hortiisa kama dhaqaaqo ilaa la waydiiyo afar:- Cimrigiisii iyo waxa
uu ku dhammaystay, Dhallinyaranimadiisii iyo waxa uu ku qabtay,
Cilmigiisii iyo waxa uu ku sameeyay, Maalkiisii meesha uu ka keenay
iyo halka uu ku bixiyay ".
Waa arrin culus baan u malaynayaa in uu addoonku
waayo marka uu Eebbihiis is hortaago jawaabo uu afartaas
su'aalood kaga jawaabo, inta aan maalintaasi iman baana wanaagsan in
qofku ka sii tabaabushaysto,anagoo haddaba idinku boorinayna
inaydaan nolosha isku illoobin ayaanu gacan walaaltinimo idiin
taagaynaa oo aannu idin leenahay si aynu jawaabo Ilaahay nasahnaa oo
korreeye raalli galiya oo aynu kaga badbaadno cadhadiisa cilmiga
aynu wada gudbinno. Wixii aad dadka ku dhaanto soo gudbi , nagalana
soo xidhiidh:-
Quran Search
© Copyright since 2004, Hilinkatoosan. All Rights Reserved. |